Kenya oo Si Rasmi ah ugu Jawaabtay Somaliya

Published: March 2, 2020

Dowladda Kenya ayaa markii u horraysay si rasmi ah uga hadashay eedaymihii dowladda federaalku u soo jeedisay, waxayna beenisay inay faragalin ku hayso qaranimada iyo madaxbananaida Somaliya.

Wasaaradda arrimaha dibada ee Kenya ayaa ku tilmaamtay Eedaymaha dowladda Federaalka kuwo la soo dhoodhoobay oo laga leeyahay dano siyaasadeed, waxayna sheegtay in warqad ay kaga cabanayso eedaymahaas ay u dirtay xukuumadda Muqdisho.

” Eedaymaha waxba kama jiraan, waa kicin la dhoodhoobay oo la doonayo in lagu marin habaabiyo shacabka oo lagu qarinayo horumar la’aanta iyo guuldarada siyaasadeed ee dowladda Federaalka” sidaas waxaa lagu xusay warqada kenya u dirtay Somaliya oo nuqul ka mid ah la siiyay wargaysa dailynation ee Nairobi

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Daahir  Cismaan ayaa sheegay maalintii jimcihii in dowladda federaalka Somaliya ay qorshaynayso inay cabasho ka dhan ah Kenya u gudbiso gollaha amaanka ee qaramada midoobay 

“kenya waxay xasilooni darro ka abuurayso degaanada xuduuda ee Somaliya iyo kenya iyagoo wiiqaya madaxbanaanida iyo sharafta dhuleed ee jamhuuriyadda Somaliya” Sidaas wuxuu u sheegay shirka gollaha ammaanka ee qaramada midoobau

Wuxuu ku hanjabay haddii dowladda kenya ayan joojin faragalinta ay ku hayso arrimaha gudaha ee Somaliya ay ku khasaban yihiin inay dalbadanaan qodobka 35aad ee axdi-qarameedka qaramada midoobay oo ah inay kenya ku xadgudbtay Qaranimada Somaliya

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *