Kenya -Walaac xoogan oo laga muujinayo weerarada Al-Shabaab

Published: December 15, 2019

Muwaadiniinta Kenya ee aan u dhalan gobolka Waqooyi Bari ayaa walaac xoogan ka muujiyay weerarada Al-Shabaab ka geesteen Labadii Todobaad ee la soo dhaafay gobolkaasi.

Qaar ka mid dadkaan oo aan heysan diinta Islaamka ayaa rajo xumo ka qaba in ay u safri waayaan deegaanada ay asal ahaan ka soo Jeedaan fasaxa ciida masiixiga ah oo ku beegan dabayaaqada Sanadkaan oo maalmo ay inaga Xigto.

Waxay ugu baaqeen ciidanka Amniga Kenya in la tacaalaan weerarada Al-Shabaab.

Nin ku xamaasha mootooyinka oo lagu magacaabo Petrick kana soo jeeda gobolka Nyamira ayaa u sheegay Universal in qorshaha ay ugu jirtay in uu soo booqdo waalidkiisa, balse hada uu naftiisa u Naxayo.

Todobaad ka hor ayay aheyd markii dagaalamayaal ka tirsanaa Al-Shabaab ay 11 ruux oo 7 ka mid ah ay ahaayeen booliska Kenya ay ku dileen weerar ka dhacay wadada xiriirisa Wajeer iyo Mandera.


Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *