Kenya: Xildhibaano Safar Qarsoodi ah ku Tegay Muqdisho oo Booliisku Su’aalo Waydiinayaan

Published: March 1, 2020

Ugu yaraan 8 xildhibaan oo ka tirsan Barlamaanka Kenya oo ka soo jeeda gobolka waqooyi bari ee Kenya ayaa booliisku su’aalo ka waydiinayaan safar qarsoodi ah oo ay ku tageen Magaaladda Muqdisho

Xildhibaanadan ayaa shalay u duulay magaaladda Muqdisho, waxayn dib ugu soo laabteen Kenya Maanta oo Axad ah iyagoo watay diyaarad gaar ah.

Ilo xog-ogaal ah oo sirdoonka Kenya ah ayaa telefishanka Citizen tv u sheegay in xildhibaanadan ay la kulmeen saraakiil ka tirsan sirdoonka Somaliya. xildhibaanada ayaa wax laga waydiinayaa ujeedada socdaalkooda Muqdisho, inuu ahaa mid khaas ah iyo inuu ahaa mid rasmi ah oo ay wax ogaayeen guddoonka barlamaanka iyo Xukuumadda Kenya.

Safarka qarsoodiga ah ee xildhibaanadu ku tageen Magaalada Muqdisho ayaa ku soo beegmay iyadoo xiriirka u dhexeeya dowladdaha Somaliya iyo Kenya uusan wanaagsanayn. dowladda Somaliya ayaa dhawaan sheegtay in dulqaadkii ka dhamaaday faragalinta ay kenya ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Xildhibaanadan ayaa hadda waxay ku sugan yihiin garoonka diyaaradaha ee Wilson,halkaasi oo su’aalo lagu waydiinayo.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *