Khasaaraha duqeyn Israa’iil la beegsatay Dimishiq, Suuriya

Published: July 15, 2024

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa axaddii shalay duqeynmo ka fuliyey nawaaxiga caasimada Suuriya ee Dimishiq.

Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidamada Suuriya ayaa la sheegay inuu ku dhintay duqeynta lala beegsaday saldhigyo militari iyo xarunta difaaca cirka.

Difaaca cirka ee Suuriya ayaa la sheegay inay soo rideen dhowr gantaal oo ay Israa’iil soo tuurtay.

Israa’iil ayaa sheegtay in ay weerarkan qaaday kadib markii ay hawadeeda kusoo xad gudbeen diyaarado nooca drone-ka oo laga soo diray dhulka Suuriya.

Xoogaga Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa maalmihii lasoo dhaafay sare u qaaday weerarada ay la beegsanayaan ciidamada Israa’iil ee ku sugan dhulka buuraleyda ah ee Golan oo kamid ah dhulka ay Israa’iil ka heysato Suuriya.

Horseed Media