Khasaare ka dhashay daadad xoogan oo ku soo rogmaday magaalada Qardho

Published: October 23, 2022

Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar waxaa xaley markale ku soo rogmaday daadad xoogan, kadib markii togaga magaalada ay ku soo dhaceen biyo meelo fog ka yimid.

Muuqaalo iyo sawirro laga soo qaaday magaalada ayaa muujinayay dad ku go’doomay xaafado ka mid ah Qardho iyo kuwo la badbaadinayo.

Weli la oga inta uu le’egyahay khasaaraha ay geysteen daadadkaas, haseyeeshee dadka qaar ayaa laga soo weriyey inay jiraan dhimasho ilaa saddex qof.

Bishii April 2020, daadad xoogan oo ku soo rogmay magaalada Qardho ayaa geystay khasaare weyn, waxaana shacabka Soomaaliyeed gurmad dhan walba ah u fidiyeen shacabka Qardho.

Horseed Media