Khayre oo Ballanqaad Amni u Sameeyay Shaqaalaha Shirkadda Dhisaysa Waddada Muqdisho iyo Afgooye.

Published: January 20, 2020

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo maanta kulan la qaatay maamulaha Shirkadda Enez, Seracettin Aksun, ayaa uga tacsiyeeyay dhibaatooyinkii ururka Alshabaab u geysateen howl-wadeennadooda intii ay ku guda jireen dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo qayb ka ah mashaariicda lagu horumarinayo kaabashaada dhaqaalaha iyo isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Seracettin Aksun waxaa uu sheegay in ay si buuxda u sii wadaan dhismaha waddada, saameynna aysan ku yeelan weerarada uga imaanaya argagaxisada damaceedu yahay inay dadka iyo dalka Soomaaliyeed ay kusii jiraan burburka iyo horumar la’aanta.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa dowladda iyo shacabka Turkiga iyo shirkadda Enez, waxuu uga mahad celiyay sida hagar la’aanta ah ee hantidooda iyo dhiigooda ay ugu hurayaan horumarinta iyo dadaallada dib-u-kabashada dalka.

Mudane Xasan Cali Khaye ayaa maamulaha shirkadda u ballan qaaday in dowladda Soomaaliyeed ay mas’uuliyad buuxda iska saareyso ammaanka howl-wadeenna ka shaqeynaya dhismaha wadada, waxuuna ku dhiirri geliyay inay laba jibaaraan howlkarnimada iyo geesinimada.

Ururka Alshabaab ayaa qaraxyo iyo weeraro la beegsanayay shaqaalaha shirkada dhisaysa Wadada Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo weerarkii u dambeeyay oo dhacay 18 bishan Jannaayo ay ku dhaawaceen lix ka tirsan shaqaalaha shirakdda Enez.

28kii bishii December ee sanadkii hore, weerar alshabaab ay ku qaadeen Kolonyo waday shaqaalaha Turkiga ayaa waxaa ku dhintay 85 qof oo ay kujiraan labo qof oo u dhashay wadanka Turkiga.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *