Khilaaf ka taagan duminta guryo ku yaalla afaafka hore ee garoonka kubada cagta magaalada Bosaso

Published: February 4, 2023
Shares40

Khilaaf ayaa ka taagan duminta guryo ku yaalla afaafka hore ee garoonka kubada cagta magaalada Bosaso, kadib markii ay soo dhamaatay waqti ay dowladda ee degmada Bosaso u qabatay in la dumiyo.

Dad sheegay inay guryahaas lee yihiin ayaa kahor yimid in la dumiyo iyadoo horey loogu qabtay muddo saddex maalin ah inay kaga guuraan.

Dadkan ayaa shaaciyey inay gurhan u heysaan mulkiyad islamarkaana muddo ku dhow sodon sano laga qaadayey canshuur si lamid ah guryaha kale ee magaalada.

Dowlada hoose ee degmada Bosaso oo saaka damacday inay dumiso guryahan ayaa waxaa ka hor istaagay shaqsiyaad wata ciidamo hubeysan.

Dadka degan guryahan ee sheegay inay leeyihiin, Maamulka gobolka Bari iyo degmada Bosaso ayaa haatan shir uga socdaa xarunta gobolka.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maalmo kahor dhagax dhigay dhismaha garoonkan oo kamid ah garoomada kubada cagta ee Puntland.

Horseed Media