Khudbadii Taarikhiga ahayd ee hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo

Published: August 29, 2023
Shares62

Guddoomiyaha maamulka SSC-Khatumo Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali ayaa maanta khudbad taarikhi ah ka jeediyey demada Guumeys, munaasabad lagu soo dhaweynaayey Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cislmi Cismaan.

Hoggaamiyaha mamaulka SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw-cali

Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali oo la doortey 05 Agoosto 2023 ayaa isaga oo aan xafiiska joogin muddo bil ilaahey ku sharfey in ciidamadii Somaliland oo dhan laga saaro degaanada SSC-Khaatumo.

Ugu horeyn waxa uu hadalkiisa ku bilowdey in manata tahay maalin taariikhi ah oo ay soo dhaweynayaan halgamaa Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo uu ku amaaney in uu door weyn ku lahaa halgankii SSC.

Halgankii bilowdey bilowgii sanadkan, waxa uu maanta gaarey ujeedkiisi, waxaan joognaa sarinta Guumeys, halkaas ayaan ku istaagney, uma socono dhulkiina, cadaawad kale ma dooneyno markaan sidaas lee yahay awood yaraan aan isku tuhmeyno maaaha ee waxay naga tahay qiyamka wanaagsan iyo ilaalinta nabadda, laakiin Muuse Biixi waxa uu lee yahay waa soo duulayaa alla sheekhow faan badnidaa, waxaan ku lee yahay dadkaa Hargeysa iyo Berbera jooga hakaa dugsadeen ugu celceli waan duulayaa, laakiin ha noqoto beentii kuugu danbeysey oo aad reer hargeysa iyo Burco aad ku maaweeliso, ayuu yiri.

NABAD IYO WADA HADAL

Hogaamiyaha mamaulka SSC-Khaatumo ayaa ku baaqey iney doonayaan nabad, iyada oo Muuse Biixi dagaal ku baaayo, ayaan halkan nabad uga baaqayaa oo aan dhulkayagii joognaa oo aanan u soo socon kiina ayuu yiri Cabdulqaadir Aw-Cali.

Cabdulaadir Axmed Aw-Cali hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo ayaa ugu baaqey Madaxweynaha mamaulka Hargeysa Muuse Biii Cabdi in uu miiska wadahadalka soo fariisto, si looga wada hadlo deriswanaag iyo adkeynta nabadda.

baaqa nabadda iyo wada hadalka ayaa ah midka beesha caalamku aad ugu celcelineysey oo laga waayey maamulka Muuse Biixi, waxay horey u diiden wada hadal, waxay horey u diideen in ay ciidankooda si nabad ah ula baxaan, waxaa la aaminsan yahay in maanta cid nabad uga baahi badan aysan jirin, laakiin hoggaamiyhaa SSC gacantiisa ayuu fidiyey mar kale isaga oo dagaalami kara ayuuna ku baaqey nabad, waxaana kubaddu agtaalaa Muuse Biixi.

RAADKII DAGAALKII 8-DA BILOOD

Madaxweynaha maamulka SSC-Khaatumo Cabdulqaadir A. Aw-Cali ayaa sheegay in dagaalkii uu reebay raad xun oo burbur iyo barakac ah, sidaas darteed waxa uu baaq u direy ciidamada mamaulka SSC in ay si degdeg ah uga baxaan gudaha magaalada Laascaanoodoo ay yimaadaan baraha loo asteeyey ee laga difaacayo dhulka SSC-Khaatumo. Dhanka kale, Laascaanood waa in ay ku soo noqoto nolosheedi caadiga, waa in aan dib u dhis ka fekernaa, ganacsigi soo noqdaa oo ay u ekaataa caasimad maamulku ku shaqeyn karo ayuu yiri,

HUBKII LAGA FURTEY SOMALILAND

Hubkii cuslaa ee laga furtey maamulka Hargeysa ayuu ku dhawaaqey in si toos ah maamulku ula wareegay, arrintaas ay isla og yihiin garaadada iyo hoggaamiyaasha kale lana geeyo goobaha loo diyaariyey in lagu difaaco, ma dooneyno in hubkaasi gacanta ugu jiro malayshiyaad aan mamaulka ka amar qaadan ayuu yiri.

MAXAABIISTII LA QABTEY

Maxaabiista Somaliland ayuu sheegay in si wanaagsan loola dhaqmey caalamka oo dhana uu ogyahay, askartii soo qabateyna ay amaanan yihiin, marka laga reebo dhalinyaro kaamarooyin ula galay oo duubey, taasi waxay ahayd meelkadhac aan hadda xaliney mar danbena ma dhacayso, maxaabiistu, maxaabiis ayey ahaanayaan xuquuqdooda ayey helayaan ayuu yiri.

ITOOBIYA IYO SSC

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo ayaa fariin u direy dowladda Itoobiya waxaana uu u sheegay in deegaanada SSC-Khaatumo maamul cusub ka dhashey kaas oo ka shaqeynaya nabadgelyada xuduuda u dhexeysa labada dhinac, nabad ayaana dhankayaga idiinkaga imaaneysa sidaas darteed in aan ka wada shaqeyno nabadgelyada iyo isu socodka ayaan diyaar u nahay, waxaana ballan qaadeynaa in xuduudka aysan ka dhacayn wax fal danbiyeed ah ayuu yiri.

Khudbaddan oo inta ka dheereyd ayaa la dhihi karaa waxay ahayd mid taariikhi ah hab wanaagsana uu u diyaarsadey hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdulqaadir A. Aw-cali, waxaana ugu weyn in uu ku baaqey nabad iyo wada noolaansho, halka Hargeysa ay weli ku baaqeyso dagaal.

Mohamed Osman
Horseed Media