Koonfur-Afrika oo maxkamada Adduunka ka codsatay go’aan deg-deg ah ee joojinta xasuuqa Gaza

Published: May 16, 2024

Koonfur Afrika ayaa maanta oo Khamiis ah markale Maxkamadda sare ee Qaramada Midoobay ugu baaqday joojinta xasuuqa Gaza, iyadoo ku boorisay maxkamadda inay amarto in la joojiyo weerarka Israa’iil ee Rafah.

“Koonfur Afrika waxay rajaynaysay, markii ugu dambaysay ee aan hor-tagno maxkamaddan, in la joojiyo weerarka xasuuqa ah si loo ilaaliyo Falastiin iyo dadkeeda.

Taas bedelkeeda, xasuuqa Israa’iil si xawli ah ayuu u socday wuxuuna hadda gaaray heer cusub oo argagax leh,” ayuu yiri Safiirka Koonfur Afrika ee Holland Amb.Vusimuzi Madonsela oo la hadlayey Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ).

Koonfur Afrika ayaa maanta soo gudbiyey codsigooda, iyadoo laba maalmood oo dhageysi ah ka billaabatay Maxkamadda ICJ ee The Hague, iyadoo ka codsanaysa garsoorayaasha inay amar ku bixiyaan xabbad-joojin guud ahaan Gaza.

Israa’iil waxay ka jawaabi doonta dooda Koonfur Afrika berri oo Jimce ah. Waxayna horey ugu tilmaantay kiiska Koonfur Afrika “mid aan sal lahayn” iyo “anshax xumo”.

Horseed Media