Koox hubeysan oo xiriir la leh al-Qaacida, Jama’at Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM), ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar ay ku dhinteen ilaa 200 oo qof ayna ku dhaawacmeen ugu yaraan 140 qof oo ka dhacay bartamaha Burkina Faso.
Weerarkan ayaa Sabtidii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka Barsalogho oo qiyaastii 40km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada istiraatiijiga ah ee Kaya, halkaasoo ahayd difaacii ugu danbeeyey ee ciidamadii ilaalinaya caasimadda dalkaasi ee Ouagadougou.
Taliska Militariga dalkaasi oo xiriirka u jaray dalalka reer Galbeedka ayaa bilihii lasoo dhaafay guul-daro kala kulmay la dagaalanka kooxaha xagjirka ah oo la wareegay kala-bar gobalada dalkaasi.
Horseed Media