Kulamadii gaar-gaarka ahaa ee ka dhacay Dhuusamareeb

Published: July 20, 2020
Shirkii maanta ee loo dhamaa

Waxaa xalay magaalada Dhuusamareeb ka dhacay kulamo gaar gaar ah oo ay Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha Federaalka la yeelanayeen Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Kulan xasaasi ayaa dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo si weyn isugu khilaafsan arrimo dhowr ah oo ay ku jiraan cunaqabateyntii Villa Somaliya saartay Kismaayo xiligii doorashadii Jubbaland iyo Doorashada Soomaaliya 2020/2021.

Kulankaasi ayaa waxaa xigay kulan labaad oo ay wada yeesheen Farmaajo, Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni. Wadahaladaasi oo wakhti socday ayaan laga soo saarin wax warsaxafadeed ah.

Dhinaca kale Raysalwasaare Xassan Cali Khayr ayaa isaguna kulan u gaar ah la yeeshay 5ta Madaxweyne ee Dowladaha xubnaha ka ha Federaalka, kulankaasi oo looga hadlay qodobada horyaal shirka [Dhusamareeb 2] oo la sheegayo in weli la isku waafaqin qaabka shirkaasi u dhacayo, cida iskaleh shir-gudoonka iyo qodobada shirka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Maxamed Cabdullaahi ayaa soo jeediyey mar uu la kulmay qaar kamid ah Madaxda Dowlad goboleedyada in bulshada Soomaaliyeed wax wanaagsan loo sheego oo aan shirka la isku rifin, sidoo kale waxa Madaxweynuhu soo jeediyey in shirkaan aan wax go’aan ah hadda lagu gaarin ee uu noqdo mid lagu heshiiyo oo gogolxaar u noqda shir weyn oo Muqdisho ka dhaca laguna jiheeyo dalka.

Soo jeedinta Madaxweynaha aad ayaa loogu kala aragti duwanaa, waxaana shirku u ekaa mid aan weji wanaagsaneyn.

Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa doonaya inay la wareegaan maamulka shirka arrintaasi oo ay ka diideen dhamaan dhinacyada kale, waxaa sidoo kale weli lagu heshiin qodobada shirka looga hadlayo iyo cid ka qeyb galaysa, sida ay Horseed Media u xaqiijiyeen xubno ka tirsan Madaxtooyada Villa Somalia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u muuqda inuu doonayo inuu kala fur-furo madaxda Dowlad gobaleedyada oo iyagu intooda badan isku mawqif ka yihiin in ay dhacdo Doorashada xiligeeda isla markaana ahaato nidaam u dhigma doorashadii 2016, maadaama xukuumada Federaalka ay ku fashilantay inay soo diyaariso Doorasho Qof iyo Cod ah.

Villa Somaliya ayaa sidoo kale dooneysa in qodobada shirka looga hadlayo lagu koobo iskaashiga Federaalka iyo States-ka balse aan si gaar ah diirada loogu saarin arrimaha Doorashada iyo in shir kale Muqdisho la isugu yimaado si looga hadlo Doorashada.

Bulshada Rayidka oo shalay la kulmay Madaxweyne Farmaajo ayaa si adag u cambaareeyey warkii ay faafisay Villa Somaliya kulankaasi kadib, xafiiska Farmaajo ayaa sheegay in ururadaasi ay taageersan yihiin doorasho Qof iyo Cod ah, balse ururada Rayidka ayaa warkaasi beeniyey, arrintaasi oo muujineysa habka Villa Somaliya u dooneyso inay adeegsato xeelad walba oo ay ku gadeyso mashruuca Doorashada Qof iyo Cod oo ay Dowladu horey ugu fashilantay.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *