Kulan Looga Hadlayay Noocyada Nidaamka Federaalka oo Muqdisho Lagu Qabtay

Published: February 15, 2020

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay kula-howleed looga hadlayo qaab-dhismeedka dowladda ee nidaamka Federaalka kaasoo lagama maarmaan u ah dhameeystirka dastuurka KMG ah.

Kulanka waxaa furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka isagoo ku soo dhaweeyay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha si loo dhageeysto talooyinkooda ku aadan xuquuqda aadanaha ee muhiimka u ah kulamo-howleedyada dastuurka ee maalmahanba ka socday Muqdisho.

Sidoo kale Madaxa Hay’adda UNDP ee Soomaaliya Joceyln Mason oo kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyay kulamo-howleedyada looga arinsanayo arrimaha muhiimka u ah dhameeystirka dastuurka.

Dhanka kale, masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dib-u-heshiisiinta iyo Federaalka ayaa waxa ay ka qeybgalayaasha kulanka u soo jeediyeen xulashooyin ku saabsan noocyada qaab-dhismeedka ee dowladaha ku dhaqma nidaamka Federaalka.

ka qaybgalyaasha oo isugu jira masuuliyiin dowladda katirsan iyo khuburro ayaa waxay muddo labo cisho ah ka doodi doonaan qaab-dhismeedka dowladda ee la halmaamla dib-u-eegista dastuurka.

Maamuladda Puntland iyo Jubbaland oo xubno ka ah dowladda federaalka ayaa dhaliilay qaabka loo wado howlaha dib-u-eegista dastuurka federaalka Soomaaliya.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *