Kulan Looga Tashanayo Hindise Sharciyeedka Maaliyadda Federaalka oo Garowe Ka Dhacay.

Published: November 9, 2019

Gudoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha iyo Maalyadda ee Aqalka sare Abdi Axmed Dhuxulow, Xubno ka tirsan Aqalka Sare iyo Wasiirada Maalyadda ee Dowlad Goboleedyada iyo sharci yaqaano ayaa ka qeyb galay kulan  ka qabsoomay magaalada Garowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland.

Ujeedada kulanka ayaa ku saabsanaa
Dhageysiga talooyinka Dowlad Goboleedyada ee  Sharciyada kala ah Sharciga Maareenta  Maalyadda,Sharciga Hanti Dhorka Guud ee Qaranka, Sharciga Iibka Qaranka ,Sharciga Canshuuraha  Furdooyinka iyo .

Xubanaha ka socda maamul goboleedyada ayaa inta uu kulankan socdo talooyin iyo fikrado ku darsan doona sharciyadan oo ka dib dib loogu celin doono golaha aqalka sare si ay u meelmariyaan.

Gudoomiyaha Guddiga dhaqaalaha iyo maaliyadda Aqalka sare Axmed Cabdi dhuxulow ayaa ugu horey Ka hadlay ujeedada kulankan.iyo ahmiyadda uu u leeyahay  maamul goboleedyada
Wasiirka Maalyadda Dowlad Goboleedka Buntland ayaa u mahad celiyay Guddiga maalyadda Aqalka Sare wuxuuna sheegay Inay taageerayaan   In la helo  wax Soomaali oo dhan dan u ah.

Sharciyadda Maareenta  Maalyadda,Sharciga Hanti Dhorka Guud ee Qaranka ,Sharciga Iibka Qaranka , iyo Sharciga Canshuuraha  Furdooyinka   ayaa horey loo marsiiyay Golaha shacabka iyo golaha Wasiirada waxaana la filayaa  in kadib marka lasoo dhameeyo wadatashigan lala yeelano dowlad goboleedyada In dib loogu soo celiyo golaha aqalka sare si ay u meel mariyaan kadibna ay ugu dambeyn ugu gudbiyaan madaxweynaha Soomaaliya oo isna saxiixi doono si ay ansax u noqdaan sharciyadan.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *