Kulan  Tacsi iyo Duco oo dalka Belguim loogu Sameeyay  Garaad Saleebaan

Published: November 28, 2022

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belguim ayaa  kulan tacsi iyo duco ah usamaysay allaha u naxariistee Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ku geeriyooday magaaladda Garoowe  maalintii jimcaha ee 18kii bishan noofember.

Kulanka tacsida ah oo ay soo qabanqaabiyeen Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Belguim waxaa ka  qaybgalay qaybaha kala duwan ee jaaliyada iyo qaar ka mid ah qoyska Garaadka.

Dhammaan dadkii ka hadlay kulanka  waxay ay garaadka ku sifeeyeen inuu ahaa geed Damal ah  oo harweyn oo nolooshiisa intii badnayd ka shaqeeyay Nabada iyo xoojinta wada nooloshaha beelaha uu isinka u ahaa iyo ummada Soomaaliyeed guud ahaan

kulanka tacsida waxaa hadal kooban ka jeediyay Yuusuf Garaad Saleebaan  oo u mahadceliyay dhammaan dadkii ka soo qaybgalay kulanka tacsiga iyo guud ahaan dadkii Soomaaliyeed ee ka soo qaybgalay aaskii marxuum Garaad Saleebaan.

Marxuum Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ayaa lagu aasay degaanka Sarmaanyo ee gobolka Sanaag, waxaana aaskiisa ka qaybgalay Isimada Soomaaliyeed, qaar ka mid ah Masuuliyiinta Soomaalida iyo kumaankun qof oo ka kala yimid guud ahaan degaanada Somalida

Horseedmedia