US: Xarunta Pentagon-ka oo maanta lagu soo dhaweynaayo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Published: September 15, 2022
Shares88
Hassan Sheikh and Lloyd Austin III
Midig xoghayaha gaashaandhigga Maraykanka Lloyd Austin III

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaaliga ah mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdigiisi ayaa Arbacadii ka duuley Kenya, waxaana uu maanta oo khamiis ah gaarey Maraykanka, halkaas oo uga qayb-galaayo shirka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey 20 -26 September.

Ka hor shirka, waxa uu la kulmayaa Madaxweynuhu qaar ka mid ah masuuliyiinta Maraykanka oo ay ka wada hadlayaan xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Kulanka u horeeya ee maanta ayuu la qaadanayaa xoghayaha gaashaandhigga Maraykanka Lloyd Austin, oo ku soo dhaweynaaya xarunta Pentagon-ka, sida lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda difaaca.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin III ayaa ku soo dhaweyn doona Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, xarunta Pentagon-ka, si loo xoojiyo xiriirka labada dal.

Pentagon

Maraykanka ayaa soo celiyey joogitaankoodi Soomaaliya, kadib markii Madaxweynihii hore uu la baxay ciidamadiisi, waxaana ay sheegeen in qorshahooda ugu weyn yahay dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab, iyo sidii Soomaaliya ula wareegi lahayd amnigeeda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *