Kumanaan Dadweyne Oo Ka Caraysan Damaca Itoobiya Oo Banaanbax Ka Dhigay Muqdisho

Published: January 4, 2024

Kumannaan dadweyne ah oo ka careysan damaca Dowladda Ethiopia ee Badda Soomaaliya ayaa caawa isugu soo baxay waddooyinka Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Dadweynaha isu soo baxay ayaa aad uga careysan tallaabada ay qaaday Dowladda Ethiopia, taasoo kowdii bishaan ku dhawaaqday wax ay ugu yeertay is Afgarad ay lagashay Somaliland.

Ka qeybgalayaasha banaanbaxa ayaa muujiyay dareenkooda ku aadan sida ay uga soo horjeedaan isku daygaasi.

“Waxaan garabtaaganahay dowladdeena iyo go’aanka Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud ee ah in aysan marnaba wax gorgortan ah ka gali doonin ciidda iyo madaxbaanida Umadda Soomaaliyeed “ ayay Caasha Xasan Nuur oo ka mid aheyd Dhallinyarada caawa isusoo baxday 

Horseed Media