Kuuriyada Waqooyi oo ridday gantaal nooca qaaradaha isaga kala goosha 

Published: March 16, 2023

Kuuriyada Waqooyi ayaa ridday gantaal ah nooca isaga kala goosha qaaradaha (ICBM) saacado ka hor inta aysan wada-hadallo taariikhi ah yeelanin hoggaamiyeyaasha Kuuriyada Koonfureed iyo Japan.

Labada mas’uul ee Japan iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa xaqiijiyay gantaalka riddada dheer ee la riday subaxnimadii hore ee saaka.

Gantaalkani waxa uu awood u leeyahay inuu gaaro qiyaastii 1,000km (620 mayl) isagoona ku dhacay biyaha galbeedka Japan.

Waa gantaalkii afraad ee ay Pyongyang riddo toddobaad gudihiis, waxaana uu ku soo beegmayaa xilli Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ay si wadajir ah u sameynayaan dhoolatus ciidan oo badda ah.

Horseed Media