Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay gantaal ridada dheer oo gaari kara Maraykanka

Published: March 25, 2022

Dowlada Kuuriyada Waqooyi ayaa markii ugu horeysay muddo 5 sano ah tijaabisay gantaalada ridada dheer oo gaari kara illaa wadanka Maraykanka, gantaalkan oo ah mid xambaari kara hubka nukliyeerka.

Muuqaal la baahiyey ayaa muujiinayey hogaamiyaha Kim Jong Un oo booqanaya goobta tijaabada ka dhacday, hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa doonaya in caalamka dalkiisa u aqoonsado quwad Nukliyeer isla markaana laga qaado cunaqabateynta saaran.

Tijaabadan ayaa lagu soo beegay xili dalalka reer Galbeedka ay ku mashquulsan yihiin dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine.

Kuuriyada Waqooyi ayaa u muuqata inay sare usii qaaday dadaalka ay ugu jirto inay dhameystirto hubkooda culus gaar ahaan gantaalada qaaradaha isaga goosha.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *