La taliye sare oo ka tirsan ilaalada kacaanka Iran oo lagu dilay weerar duqaymo ah

Published: August 15, 2024

La-taliye milatari oo ka tirsan Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran ee hawada sare ayaa dhintay ka dib dhaawacyo ka soo gaaray Suuriya toddobaadyadii la soo dhaafay, wakaaladda wararka ee Fars ee rasmiga ah ayaa sidaas sheegtay Khamiistii.

“Kornayl Ahmadreza Afshari wuxuu u shahiiday dhaawac ka soo gaaray duqeymo xagga cirka ah oo ka yimid isbaheysiga ku xad-gudbay Suuriya,” ayuu yiri Taliyaha ugu sarreeya ee Ilaalada Kacaanka Hossein Salami.

Warbaahinta Iran ma aysan sheegin taariikhda saxda ah ee weerarka balse waxa ay sheegtay in Afshari uu soo gaaray dhaawacii u dhaxeeyay dabayaaqadii July iyo horraantii Agoosto.

Maraykanka iyo Israa’iil ayaa labaduba waxa ay Suuriya ka fuliyeen duqeymo ka dhan ah kooxaha taabacsan Iran, halkaas oo saamaynta Tehran ay kor u kacday tan iyo markii ay billowday in ay taageerto madaxweyne Bashar al-Asad dagaal sokeeye oo billowday 2011-kii.

Bishii Abriil, Iran waxay qaadday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxayna gantaallo ku ridday dhulka Israa’iil weerarkeedii ugu horreeyay oo toos ah, halka Israa’iil weerar aargoosi ah ay ugu yeertay ayey ku qaadday xarunteeda diblomaasiyadeed ee Dimishiq 1-dii Abriil oo ay ku dishay toddoba sarkaal oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka.

Horseed Media