Laamaha ammaanka Faransiiska oo xiray xagjiriinta midigta fog

Published: July 17, 2024

Laamaha ammaanka Faransiiska ayaa xiray 18-jir xagjir ah oo midigta-fog ah oo looga shakisan yahay inuu maleegayay weeraro inta lagu guda jiro ciyaaraha Olombikada Paris ee soo socda.

Ninkan dhalinyarada ah, oo maamule ka ahaa bar uu ku lahaa Telegram oo lagu magacaabo “French Aryan division”, ayaa waxaa su’aalo weydiinaya booliiska la dagaalanka argagixisada ka dib markii lagu xiray waqooyi bari Faransiiska.

Laamaha ammaanka ee Faransiiska ayaa heegan sare ku jira ka hor ciyaaraha Paris, iyadoo ku dhawaad ​​10 milyan oo qof iyo 10,000 oo ciyaartooy ah la filayo inay yimaadaan caasimadda Faransiiska.

Horseed Media