Labo ka mid ah garsoorayaasha sare ee Iran ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday maxkamadda sare ee caasimadda Tehran.
Gacan ku dhiiglaha ayaa is dilay kadib markii uu toogasho ku dilay garsoorayaasha sare oo ku sugnaa dhismaha maxkamada sare ee caasimada Tehran.
“Dilka” waxaa fuliyay qof hubeysan, kaasoo is dilay ka dib markii uu rasaas furay subaxnimadii Sabtida, sida lagu sheegay war ay soo saartay xarunta warbaahinta ee garsoorka.
Garsoorayaasha la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Ali Razini iyo Mohammad Moghiseh.
Ilaa hadda ma cadda cidda uu yahay ninka weerarka geystay iyo waxa uu salka ku hayo.
Sida laga soo xigtay wargeyska Tehran Times ee ay dawladdu leedahay, askari ilaalo u ahaa mid kamid ah garsoorayaasha ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weerarka Sabtidii oo ahayd maalinta shaqada ee ugu horreysa toddobaadka ee jadwalka Iran.
Tiro dad ah oo ka shaqeynayey dhismaha maxkamadda, ee uu weerarku ka dhacay, ayaa xabsiga la dhigay.
Madaxweyne Masoud Pezeshkian ayaa sheegay in falka “argagixisada iyo fulaynimada” ay tahay in si degdeg ah loo baaro.