Laba Qarax oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Published: February 1, 2020

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya waxaa saaka ka dhacay laba qarax, Qaraxa koowaad ayaa lala eegtay Gaari uu la socday Guddomiye ku xigeenkii Degmada  Kaxda ee Gobalka Banaadir Cabdinaasir Qaraxa ayaana ka dhacay Isgoyska Xoosh ee Degmada Dharkenley, waxaana halkaas ku geeriyooday qaar ka mid ah Askartii ilaalada u ahayd Guddomiye ku xigeenka Degmada Kaxda.

 
Dhinaca kale Kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM ayaa qaraxa nooca Miinada dhulka lagu aaso ah lagula eegtay nawaaxiga Isgoyska Ex-control Balcad ee Degmada Hiliwaa. Qaraxa kaddib ciidamada Amisom ayaa rasaas furay, waxaana hadda xiran Waddada Ex-Control- balcad, welina lama soo werin khasaaraha ka dhashay qaraxaasi.

HorseedMedia, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *