Labada Aqal Ee Baarlamaanka Soomaaliya oo meelmariyey Habraaca Wax Ka Bedelka Dastuurka

Published: January 24, 2024

 Labada aqal ee baarlamaankam Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah meel mariyey habraaca wax ka beddelka Dastuurka.

180 Xildhibaan oo ka kooban labada aqal ayaa cod gacan taag ah ku meel mariyay wax ka beddelka dastuurka, waxaana diiday 30 xildhibaan, sida uu sheegay guddoonka golaha.

Buuq ayaa hareeyeeyay meel marinta habraaca wax ka beddela dastuurka, iyadoo xildhibaano dhowr ay ku eedeeyeen guddoomiyaha baarlamaanka inuu afduubtay golaha.

Qaar kamid ah xildhibaanada ayaa sheeay, iyadoo aan laga doodin islamarkaasna uusan kooramku si fiican usoo buuxsamin in loo gacan taagay waxka ka beddelka habraaca dastuurka.

Horseed Media