Lacagtii Dhismaha Garoonka Kubadda cagta ee Boosaaso oo arrimo siyaasadeed loo isticmaaley

Published: September 18, 2023

Bilowgii sanadkan 2023 waxaa bilowdey dhismaha garoonka Kubadda cagta ee Boosaaso kadib markii UAE ay ku deeqdey laxagta dhismaha.

Dhismaha garoonka kubadda cagta ee Boosaaso waxaa si gaar ah Madaxweyne Siciid Deni u wakiishey agaasimaha ciidanka PMPF Cabdirabi Cabdisamad Aw-Maxamed.

Agaasime Cabdirabbi oo Madaxweynaha u sharaxaya shaqada uu hayo ee dhismaha garoonka

Xog ay heshey Horseed Media ayaa sheegaysa in lacagtii garoonku iska lahaa taas oo ay ku deeqdey Dowladda Imaaraadka carabta lagala baxay Akoonka, bishii Luuliyo 2023 lacagtan ayaa la geeyey magaalada Garoowe waxaana loo isticmaaley wax ka beddelka Dastuurka Puntland taas oo loo qaybiyey Xildhibaanada, sidoo kale qayb ka mid ah lacagtan ayaa wax laga siiyey mid kamid ah guddoomiyaasha ururada siyaasadda ee Puntland ee xulafada la ah Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Si loo dardar geliyo dhimaha garoonka waxaa dhamaadkii 2022 la dumiyey guryihii ku yaaley dhulka garoonku ku fadhiyo taas oo aan wax dhibaato ah ka dhicin, dadkuna ku beddesheen in garoonka loo dhisaayo. Agaasime Cabdirabbi Cabdisamad ayaa hadda siiyey qandaraaska shirkad cusub in ay sii wado dhismaha aan loo hayn wax dhaqaale ah.

Waxaa hadda socda ciyaarihii gobolada Puntland, gobolka Bari ayaa ku harey Semifinal. Dhalinyarada Boosaaso waxay la ildraneyd in ay hesho garoon kubbadda cagta ah si la mid magaalooyinka hadda Finalka isugu soo baxay ee Gaalkacyo iyo Garoowe.

In dhaqaalaha arrimaha bulshada loogu tala galay ee dhismaha garoomada loo isticmaalo arrimo siyaasadeed oo lagu bixiyo laaluush ayaa noqoneysa mid taariikhda gashey.

Horseed Media