Ma furmayaa shirkii Villa Somaliya iyo Dowladaha Federaalka Soomaaliya?

Published: September 12, 2020

Waxaa maanta oo Sabti ah la sheegay inuu furmi doono Shirka Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Federaalka oo ka wadahadalaya arrimaha Doorashooyinka.

Villa Somaliya ayaa Khamiistii shaacisay in shirkan Sabtida furmi doono xili shirkan marar badan uu dib u dhacay.

Waxaa shalay ka dhoofay magaalada Muqdisho Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo wafdigiisa oo dib ugu noqday Kismaayo kadib weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay xarunta Jubaland.

Hogaamiyaha Galmudug Axmed Qoor-Qoor ayaa isaguna safar aan horey loo sii shaacin ugu baxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Madaxtooyada Galmudug ayaan wax faah faahin ah ka bixin safarkaasi Qoor-Qoor markii ugu horeysay tan iyo intuu xilka qabtay ku tagay wadanka Kenya.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Qoor-Qoor Nairobi ku leeyahay shirar xasaasi ah oo qaarkood la yeelanayo dowlado shisheeye sida ay saxaafada u sheegeen xubno ku dhaw dhaw Madaxweynaha Galmudug.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *