Wejigii hore ee shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa ku dhamaadey fashil kadib markii la isku mari…
Wejigii hore ee shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa ku dhamaadey fashil kadib markii la isku mari waayey qodobada la xiriira doorashooyinka iyada oo Madaxweyne Xassan Sheekh isku dayey in uu markii labaad muddo kordhin u sameeyo madaxda Dowlad goboleedyada oo doorashoyinkoodi la dhaafey, waxaana shirka isaga baxay Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.
War ka soo baxay xafiiska Raysalwasaare Xamse Cabdi Barre ayaa lagu sheegay in shirku weli furan yahay oo dib la isugu soo noqonaayo 26 Oktoobar 2024, taas oo ku began maanta.
Wararku waxay sheegayaan in Madaxweynaha jubaland Axmed Madoobe uu diidey in u shirka dib ugu soo laabto kadib cadaadis uga yimid Kenya halkaas oo uu ku sugan yahay.
Waxaa Muqdisho ku sugan saddex Madaxweyne Dowlad goboleed kuwaa soo kala ah Qoor-qoor, Laftagareen iyo Gudlaawe, ma cadda in shirka saddexdooda loo furi doono Iyo in kale.
Horey waxaa shirkan isaga baxdey Puntland oo aan ka soo qaybgelin labadii shir ee u danbeeyey.
Haddii shirku baaqdo maanta, waxaa la is-weydiinayaa xagga loo dhaqaaqi doono iyada oo dalku si weyn u qaybsan yahay.
HORSEED MEDIA