Maalinta xorriyadda saxaafada aduunka, QM oo baaq u dirtey warbaahinta Soomaaliyeed

Published: May 3, 2024

Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay iftiimisay shaqada muhiimka ah ee suxufiyiinta Soomaaliyeed ay ku soo tebiyaan caqabadaha cimilada ee dalkooda haysata waxayna dhiirigelisay in la kordhiyo tebinta.

“Soomaaliya waxay safka hore kaga jirtaa isbeddelka cimilada, iyadoo dhibaatada cimiladu ay saameysay nolosha malaayiin Soomaali ah, gaar ahaan kuwa ugu nugul,” ayay tiri Catriona Laing, oo ah wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya. “Wax badan oo dheeraad ah ayaa loo baahan yahay in la sameeyo si kor loogu qaado wacyiga dhammaan dhinacyada dhibaatooyinka deegaanka, saxafiyiintana waa lagama maarmaan ujeedadan.”

Laing ayaa ku nuuxnuuxsaday in si ay Soomaaliya u gaarto hadafkeeda ah xasilloonida iyo horumar waara, ay lagama maarmaan tahay in saxafiyiinta ay si sax ah, waqtiyeysan, oo dhammaystiran uga warbixiyaan arrimaha deegaanka, cawaaqibka ka dhalan kara, iyo xalalka suurtagalka ah.

Soomaaliya dhexdeeda, Qaramada Midoobay waxay taageertaa ka-qaybgalka bulshada rayidka ah xiriirka ka dhexeeya xuquuqul insaanka iyo isbeddelka cimilada, oo ay ka mid tahay in la fahmo sida dhibaatooyinka ay cimiladu sababto ay xiriir ula leeyihiin xuquuqda aasaasiga ah ee aadanaha sida xuquuqda nolosha, kan caafimaadka iyo xuquuqda helitaanka cunto iyo biyo nadiif ah.

Iyadoo qayb ka ah ololihii sannadkii hore ee lagu xusayay sannad-guuradii 75-aad ee Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka, ayaa QM waxay billowday olole warbaahineed oo lagu horumarinayo laguna ururinayo fikradaha dhallinyarada ee ku aaddan isbeddelka cimilada iyo arrimaha deegaanka ee Soomaaliya.

Mawduuca sannadkan ee maalinta xorriyadda saxaafadda adduunka, oo uu aasaasay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay 1993-kii, waa ‘Saxaafad ku wajahan dhulka’: Saxaafad wajahaysa Xasaradaha Deegaanka’ waxaana si gaar ah loogu talagalay muhiimadda saxaafadda iyo xorriyatul-qowlka marka la eego xaaladda dhibaatada deegaanka caalamiga ah

HORSEED MEDIA