Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-cali ayaa ku…
Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-cali ayaa ku heshiiyey in labada Maamul ay yeeshaan iskaashi buuxa.
Madaxda sare ee SSC-Khaatumo iyo Galmudug ayaa ku heshiiyey sidii labada maamul isaga kaashan lahaayeen arrimaha horumarka gaar ahaan Dhaqaalaha iyo Arimaha bulshada.
Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug Mud. Cali Daahir Ciid ayaa si weyn ugu mahadceliyey shacabka iyo Madaxda SSC-khaatumo sida diirran ee ay ugu Soo dhaweeyeen Caasimadda.
Dhankiisa Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mud. Cabdiqaadir ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha booqashadiisa, isagoona sheegay in Galmudug iyo SSC-Khaatumo ay yihiin laba maamul oo wax badan wadaaga, ismalarkaana uu ka dhaxeeyo xidhiidh aad u wanaagsan.
Ugu danbayn, Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mud. Cali Dahir Ciid ayaa maanta soo afmeeray booqasho laba maalmood ah oo uu ku joogay Caasimadda SSC-Khaatumo, isagoona u ambabaxay Caasimadda Puntland ee Garoowe.
Horseed Media