Published: January 28, 2020
by: Royter Mohamed
Maamulka Bangiga dhexe ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Faahfaahin ka bixiyey Dabkii Xalay ka kacay Qeyb kamid ah Bangiga, kaasi oo aan geysan Wax khasaare ah sida ay ku sheegeen warsaxafadeed ay soo saareen
Warsaxafadeedka waxaa lagu sheegay in dabku ka dhashay fiilo koronto oo ku xirnayd qolal ku yaal qaybta dambe ee Baniga oo ay isticmaalmaana ciidamada ilaada.
Maamulka Bangiga uu u mahad celiyey Ciidanka Dabdemiska iyo Hay’addaha Amniga oo gacan weyn ka geystay in la laga hortago Khasaare ka dhasho Dabkaasi.
HORSEEDMEDIA