Maamulka Gobolka Bari Oo Ka Hadlay Labo Qarax Oo Ka Dhacay Boosaaso

Published: January 4, 2023

Guddoomiyaha Gobolka Bari, Cabdirisaaq Cali Siciid Shaahdoon ayaa ka hadlay labo qarax oo caawa ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Guddoomiye Shaahdoon ayaa sheegay in laba bambo-gacmeed caawa fiidkii lagu tuuray meel u dhow hoteelka Jaabir, waxaana hoteelkaasi ka socotay xaflad lagu taageerayo diiwaangelinta doorashada qof iyo cod ee Puntland.

Sidoo kale wuxuu sheegay in aysan ciddi wax ku noqon qaraxyadaasi.

Berri oo taariikhdu tahay 5/Janaayo/2023 ayaa loo balansan yahay inay ka bilaabato diiwaangelinta doorashadu gobolada Bari, Karkaar iyo Gardafuu.

Horseed Media