Maamulka gobolka Hiiraan Cali oo ku dhawaaqay xayiraad ka dhan ah Al-shabaab

Published: May 7, 2023

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ku dhawaaqay go’aano ka dhan ah gaadiidka ka shaqeeya deegaanada dhaca jiinka wabiga Shabeelle.

Guddoomiye Cali Jeyte ayaa amaray in maanta kadib aanan la arki karin gaari ka baxaya Baledweyne ama Buulaburte oo raashiin ama shidaal sida oo u safraya deegaanada ku yaala hareeraha wabiga Shabeelle ee u dhaxeeya Baledweyne iyo Buulaburte.

Sidoo kale waxa uu sheegay in gaarigii lagu arko ama la qabto isagoo deegaanadaas u raran in si buuxda ay ula wareegi doonaan gaariga iyo wixii saaran ciidanka dowladda oo uu ka mid noqonayo hantida dowladda.

Talaabadaan uu ku dhawaaqay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo Al-shabaab ay ku sugan yihiin deegaano ku yaala hareeraha wabiga Shabeelle.

Horseed Media