Madaxa ATMIS oo sheegay in la gaaray xilligii cunaqabteynta hubka laga qaadi lahaa Soomaaliya

Published: April 5, 2023

Madaxa hawlgalka ee ATMIS ahna Ergeyga Gaarka ee Midowga Africa ee Soomaliya Ambassador Mohamed El-Amine Souef ayaa shaaca ka qaaday in saaxiibada caalamku garawsaday in la joogo xilligii cunaqabteynta hubka laga qaadi lahaa Soomaaliya.

“Waxaan dhawaan fursad u helay in aan hadal ka jeediyo shirkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee xaaladda Soomaaliya, waxaana aan iftiimiyay in xilligan xasaasiga ah, saaxiibada caalamka oo ay ku jirto Qaramada Midoobay ay tahay inay taageero dheeraad ah siiyaan Ciidanka Xoogga Soomaaliya” ayuu yiri danjire Mohamed El-Amine Souef.

Sidoo kale waxa uu intaad raaciyey “Waxaan ku boorrinay saaxiibada caalamka inay tixgeliyaan arrintan oo ay taageero dheeraad ah siiyaan ciidamada Soomaaliya”.

Ambassador Mohamed El-Amine Souef ayaa sheegay in baahi loo qabo in la qaado cunaqabataynta hubka iyo rasaasta ee saaran Soomaaliya isagoo u sababeeyey in dalka wax badan laga qabtay.

“Waxaan ka qayb galay laba toddobaad kahor siminaar ay soo qabanqaabiyeen La-taliyaha Amniga Qaranka iyo Kooxdiisa, dhammaan saaxiibada caalamkuna waxay garwaaqsadeen in wax badan la qabtay, lana gaaray xilligii xayiraadda iyo cunaqabteynta hubkana laga qaadi lahaa Soomaaliya” ayuu sheegay Mohamed El-Amine Souef.

Waxa uu sheegay in ka qaadista cunaqabteynta hubka ee Soomaaliyaa ay u oggolaaneyso ciidamada Soomaaliya inay ATMIS kala wareegaan amniga dalka marka ay ka baxayaan Soomaaliya dhammaadka sannadka soo socda ee 2024.

Horseed Media