Madaxa dacwad oogaha ICC oo la kulmay hogaamiyaha cusub ee Suuriya al-Sharaa

7 hours ago

Madaxa dacwad oogaha maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada Karim Khan ayaa la kulmay Axmad al-Sharaa oo ah hogaamiyaha cusub ee Suuriya.

Waxay ka wadahadleen fursadaha lagu raadinayo cadaaladda dhibanayaasha jirdilka iyo dembiyada dagaal ee uu gaystay nidaamka madaxweynaha la afgambiyey ee Bashar al-Assad.

Kooxaha xuquuqul insaanka ayaa ku qiyaasay ugu yaraan 150,000 oo qof in la la’yahay ka dib markii ay bilowdeen mudaaharaadyada dawladda lagaga soo horjeedo sannadkii 2011-kii, kuwaas oo intooda badan lagu xiray xabsiyada Asad. Qaar badan oo iyaga kamid ah ayaa loo geystay, dil wadareed ama jirdil. Ilaa hadda lama garanayo tirada saxda ah.

Maamulka cusub ayaa ku baaqay in cadaalada la horkeeno xubnaha ka tirsan xukuumada Asad.