Madaxa RSF ee Suudaan ayaa Masar ku eedeeyay in ay ku lug leedahay duqeymo xagga cirka ah oo lagu qaaday ciidamadiisa

Published: October 10, 2024

Hoggaamiyaha Jabhadda Rapid Support Forces ee Suudaan (RSF) Maxamed Xamdan Dagalo, oo loo yaqaan Hemedti, ayaa Masar ku eedeeyay inay ku lug leedahay duqaymo xagga cirka ah oo lala beegsaday ciidamada kooxda, khudbad la duubay Arbacadii.

Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay Qaahira in ay tababarto oo ay siiso diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drones-ka, kuwaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay ku gacan sarreeyey colaadda dalka ragaadisay ku dhawaad ​​18 bilood.

Wasaaradda arrimaha dibadda Masar ayaa markii dambe soo saartay bayaan ay ku beenisay eedeymaha Hemedti ee la xiriira ka qeyb qaadashada duulimaadyada Masar ee dagaalka ka socda Suudaan.

“In kasta oo Masar ay beeninayso sheegashadaas, haddana waxay beesha caalamka ugu baaqaysaa inay xaqiijiyaan caddaymaha caddaynaya xaqiiqada wixii uu sheegay hoggaamiyaha maleeshiyada RSF,” ayay wasaaradda arrimaha dibadda ku dartay.

Iyadoo Masar loo arkayay inay ku dhowdahay ciidamada Suudaan iyo madaxeeda Abdel Fattah al-Burhan, haddana waddanku wuxuu ku biiray dadaallada Mareykanka iyo Sacuudi Carabiya ay ku dhexdhexaadinayaan khilaafka.

Qaahira ayaa sidoo kale martigelisay wadahadal u dhexeeya kooxaha siyaasadda ee iska soo horjeeda horaantii sanadkan.

Horseed Media