Madaxa Shirkadda Telegram oo lagu xiray dalka Faransiiska

Published: August 26, 2024

Dowlada Faransiiska ayaa Asaasihii shirkadda Telegram Pavel Durov Axadii shalay ku xirtay garoonka diyaaradaha ee Paris.

Maxkamada ayaa amrtay in Durov oo 39 jir ah, lagu sii hayo xabsiga xalay, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

Maalqabeenkan heysta dhalashada Ruushka & Faransiiska ayaa loo xiray sababo la xiriira eedeymo ah in app-kiisa fariimaha (Telegram) uu fududeeyo dambiyada ay kamid yihiin lacag dhaqida iyo ka ganacsiga daroogada.

Durov ayaa xabsiga lagu hayn karaa si su’aalo weydiiyo ilaa 96 saacadood, markaas kadib waa in lagu soo oogo dacwad rasmi ah ama laga sii daayo xabsiga, sida uu qorayo sharciga dalkaasi.

Horseed Media