Madaxda dalalka Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya oo ku soo wajahan Magaalada Muqdisho

Published: February 1, 2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa maanta ku soo wajahan Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Madaxdan ayaa Magaalada Muqdisho uga qeyb galaya shir u looga hadlayo Amniga, Xoojinta la dagaalanka Al-shabaab, Iskaashiga Dowladahaan deriska ah iyo in taageero militari Soomaaliya loo raadiyo.

Marka madaxdu guud ahaan soo gaaraan Magaalada Muqdisho waxaa toos u furmaya shirka ay usoo safreen, Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horreyn faah-faahin ka siin doonna guulaha Dowladda Federaalku ka gaartay howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Kulanka Madaxweyneyaasha Soomaaliya, Jabuuti, Kenya & Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya waxaa ka horreeyay shir gaar ah oo ay yeesheen Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalalkaan oo ay is tusiyeen farsamooyinka uga furan dagaalka.

Horseed Media