Madaxda DFS oo ka qeyb gashay Salaada ee meydka Gen. Farxaan Qaroole

Published: October 1, 2022

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre, Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe iyo madax kale oo tirsan Dowladda ayaa Masjidka Madaxtooyada kaga qeyb galay Salaadda Janaasada lagu tukaday Taliyihii qeybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir.

Dhammaan Madaxda ayaa tilmaamay in marxuum Farxaan Maxamuud Qaroole, uu ahaa geesi ay ka go’nayd inuu wax u qabto dadkiisa, difaacana dalkiisa Soomaaliyeed.

“Dadka Soomaaliyeed maanta waxay leeyihiin hal cadow oo ay tahay inay cudud iyo caqliba u mideeyaan,” sidaasi waxaa yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa sheegay in ay damiir xumo tahay ganacsatada hantidooda sida baadda ah u siiya Alshabaab.

Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan, ayaa ku dhintay dagaalkii shalay, kaasoo ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Horseed Media