Madaxdii hore ee dalka oo ka digay in muddo kororsi ay sameystaan goleyaasha dowladda Soomaaliya

Published: March 8, 2023
Shares2

Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaareyaashii hore Xasan Cali Kheyre, Cumar Cabdrashiid Cali Sharmarke, Cabdiweli Cali Gaas, Guddoomiyihii hore Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble Cali ayaa ka digay in muddo kororsi ay sameystaan goleyaasha dowladda federaalka Soomaaliya.

Warsaxafadeed ay wadajir u soo saareen madaxdan ayaa lagu sheegay in muddo kororsi ay ku howlan yihiin labada aqalka ee baarlamaanka.

Sidoo kale waxa ay tallaabadaas ku tilmaameen sharci darro baalmarsan dastuurka dalka.

Madaxda ayaa waxa ay sheegeen in aysan xilligan jirin baahi taagan oo loo qabo in wax ka baddel lagu sameeyo dastuurka oo ujeedadiisa tahay muddo kordhin la sameeyo, haddii ay dhacdana ay horseedi doonto dib u dhac ku yimaada dowlad dhiska, xasilloonidda siyaasadda iyo dagaalka argagixisadda.

Uga dambeyn waxa ay Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqeen in uu arrintan xagal daacinta ah uu dalka iyo dadka ka badbaadiyo, maadaama uu yahay ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadii’da asaasiga ah ee dastuurka.

Horseed Media