Madaxwaynaha Turkiga oo sababo caafimaad darteed u baajiyay ololihiisa doorashada

Published: April 27, 2023
Shares2

Madaxweynaha dalka Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa baajiyey isu soo baxyo olole doorasho ah oo uu qaban lahaa shaley iyo maanta kadib sababo caafimaad dartood.

Sidoo kale, waxaa lagu waday inuu ka qeyb galo furitaankii xaruntii ugu horeysay ee quwadda Niyukleerka, taas oo kamid ah dhacdooyinka ugu weyn ee ololaha doorasho ee madaxweyne Erdogan.

Balse waxaa xilli dambe la shaaciyay inuu xafladda uga qeyb gali doono qaab muuqaal fogaan arag ah.

Maalintii Talaadada ayaa la sheegay in madaxwayne inuu xanuun dareemay mar uu ka qeyb galayay wareysi telefishin.

Madaxweyne Erdogan ayaa waday olole doorasho oo aan kala joogsi lahayn, si uu beddelo hoos u dhac ku yimid aragtida ay ka qabaan shacabka, sida ay muujiyeen codadka ra’yiga dadweynaha.

Doorashada dhaceysa 14-ka May ayaa ah tii ugu adkeyd ee soo marta Erdogan oo xukunka hayey in ka badan 20 sano, isaga oo ah ra’iisul wasaare ama madaxweyne, xilli sare u kac uu ku yimid qiimaha maciishadda.

Horseed Media