Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo baaq ka soo saaray qalalaasaha siyaasadeed ee Suudaan

Published: March 14, 2023

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa magaalada Asmara wadahadal kula yeeshay ku xigeenka madaxa golaha ku meel gaarka ah ee Suudaan, Mohamed Hamdan “emeti oo booqasho hal maalin ah ku yimid dalkaas.

Madaxweyne Isaias ayaa kulanka wadahadalka ka sheegay inay Suudaan ka digtoonaadaan faragelinta shisheeye oo ay iyaga laftoodu xalliyaan dhibaatooyinkooda.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ugu baaqay ciidamada dalka Suudaan inay ka fogaadaan arimaha siyaasadda.

Eritrea ayaa la rumeysan yahay inay taageereyso dadaallada lagu xallinayo qalalaasaha siyaasadeed ee Suudaan oo soo jiitamayay tan iyo bishii Oktoobar 2021-kii.

Horseed Media