Madaxweynaha Galmudug iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Bacaadweyne

Published: October 11, 2023

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor-Qoor ayna wehliyaan Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulkaadir Maxamed Nuur, Wasiir kuxigeenka Warfaafinta JFS Cabdiraxmaan Alcadaala iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda iyo Galmudug ayaa soo gaaray Magaalada Bacadweyne ee koonfurta Gobolka mudug halkaas oo ka mid ahayd Deegaanadii laga xoreeyay kooxda xagjirka ah ee Al Shabaab.

Wafdiga ayaa waxa Bacadweyne ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka mudug, Mamaulka Bacadweyne, Guddiga Difaaca iyo dibu xoreynta Koonfurta Mudug, Lataliyaha Madaxweynaha Qaranka Sakariye Xasan Gaashaan, Saraakiisha Ciidamada iyo shacabka Bacadweyne.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa iminka kulan la qaadanaya Masuuliyiintii gobolka, kuwa deegaanka, Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Deegaanka.