Madaxweynaha Galmudug oo booqday ciidamo lagu diyaariyey Guriceel

Published: October 9, 2023

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo Wasiirka gaashaandhigga dalka Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa Guriceel ku booqdey cutubyo ka tirsan guutada 27-aad oo ka soo noqday fasaxyo gaaban oo ay ku jireen kuwaas oo hadda u diyaarsan iney ku biiraan howlgalka ka dhanka ah kooxda shabaab.

Ciidankaan oo lagu diyaariyey xerada Harqaboobe ayay madaxdu kula dardaarmeen in ay ka libin keenaan dagaalka.

Wasiirka Gaashaandhiga Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in ciidankan laga sugayo inay khawaarijta kala soo baxaan goobaha ay ku sugan yihiin iyo gododka ay galeen.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo ugu dambeyn khudbad dhiirigelin, dardaaran iyo tusaaleynba leh u jeediyey ciidankan ayaa sheegay in balantu tahay inay socodka dambe isku arkaan goobo guulo laga keenay oo hor leh oo laga baacaaday kooxda cadowga Soomaaliya.