Madaxweynaha Galmudug Qoor-Qoor oo la kulmay Hogaamiyaha Ahlu Sunna.

Published: March 1, 2020

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa la kulmay hoggaamiyaha Guud ee Ahlusunna Wl-jamaaca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan. Kulankan ayaa yimid kadib markii uu Hoggaamiyaha Ahlu Sunna Sheekh Maxamuud uu sheegay inay ka tanaasuleen arrimaha Siyaasadda iyo ka mid noqoshada Maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa Ahlu-sunah uga mahad-celiyay mawqifka ay qaaateen iyo sida ay u go’aansadeen in qayb ka noqdaan horumarka Galmudug. Hoggaamiyaha Guud ee Ahlusunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa dhankiisa waxaa uu sheegay inay diyaar u yihiin la shaqeynta Madaxda Galmudug.

Dagaal dhex maray ciidamada Ahlu Sunna iyo ciidamada dowlada ayaa waxaa uu sabab u noqdey in Ciidanka Dowladda Soomaaliya ay la wareegaan Xarunta Inji oo aheyd fariisinka weyn ee hoggaanka Ahlusunna iyo hbkii iyo Ciidamadii Ahlusunna.

Horseed Media 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *