Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo magacaabay Wasiir & Wasiir kuxigeenno

Published: April 5, 2023

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xilka qaadis ku sameeyay Wasiirkii Maaliyadda Hirshabeelle Cali Cabdulle Nuur iyo laba Wasiir kuxigeen.

Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xilka Wasiirka Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha Hirshabeelle u Magacaabay Cabdiraxiin Ciise Cadoow.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xilkii ka qaaday Wasiirka Ku Xigeenka Wasaarada Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Hirshabeelle Cumar Maxamed Cumar Isagoo xilkaas u Magacaabay Maxamed Sheekh Ibraahim Xiirane.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Cumar Maxamed Cumar u Magacaabay Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Hirshabeelle Isagoo Xilkaas ka qaaday Xasan Cabdi Yuusuf.

Horseed Media