Madaxweynaha Hirshabeelle Oo La Kulmay Wakiilka Qaramada Midoobay

Published: March 21, 2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa maanta kulan la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha doorashada dalka ka dhacaya gaar ahaan muhiimada ay leedahay in isfaham laga gaaro khilaafka qabsoomida doorashada.

Sidoo kale Kulankan waxaa looga hadlay xaaladaha guud ee Hirshabeelle gaar ahaan fatahaadaha maadaama la galayo xili roobaadka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *