Madaxweynaha Jubaland iyo Taliyaha AFRICOM oo Ku Kulmay Kismaayo

Published: June 14, 2023
Shares32

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa magaalada Kismaayo ku qaabbilay Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee AFRICOM General Michael E. Langley.

Kulan gaar ah oo ay yeesheen Saraakiisha howlgalka AFRICOM, ATMIS, Sarakiisha hay’adaha amniga Jubaland iyo Ciidamada xoogga dalka oo uu Guddoomiyay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa lagaga hadlay xaalada guud ee amniga iyo billowga wajiga labaad ee howlgalka dalka lagaga xoraynayo kooxaha Argagixisada ah.

Taliyaha Howgalka Maraykanka ee AFRICOM dhowaan soo gaaray Soomaaliya ayaa kulamo kala duwan la qaatay hogaanka ciidamada xoogga dalka, madaxda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Horseed Media