Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo magacaabay Wasiiro cusub

Published: December 25, 2022
Shares2

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa sameeyay xil ka qaadis iyo magacaabis qaar ka mid ah xubnihiisa Golaha Wasiirada.

Madaxweynaha ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Shaqada & Shaqaalaha.

Cabdullaahi Maxamed Aadan ayaa loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, halka Cumar Cabdiraxmaan Maxamed loo magacaabay inuu noqdo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Shaqada & Shaqaalaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu Cabdifitaax Cali Yuusuf u magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, saacado uun ka dib markii uu xilkaasi iska casilay Ilyaas Cali Nuur, oo horey ugu magacawnaa Wasiirka Warfaafinta.

Tani ayaa imaanaysa, xilli Madaxweyne Laftagareen uu xalay ku hoyday Magaalada Muqdisho, halka Magaalada Baydhabana ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay Madaxweynaha oo muddo xileedkiisii dhameystay 19-kii bishan.

Horseed Media