Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo lagu soo dhoweyey Magaalada Garoowe

Published: December 8, 2022
Shares2

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa lagu soo dhoweyey Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland.

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garoowe Wafdiga Madaxweynaha waxaa kuso dhoweyey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Dani labadda Golle Dowladda iyo Qeybaha kala duwan Bulshada Caasimada Garoowe.

Madaxweyne Laftgareen iyo Wafdigiisa ayaa maalmo joogi doona Magaalada Garoowe.

Madaxweynaha waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxda ugu saraysa Puntland iyo qeybaha kala duwan Bulshada.

Horseed Media