Madaxweynaha Kuuba oo ku baaqay in la joojiyo ‘xasuuqa’ Gaza

Published: March 31, 2024

Madaxweynaha Cuba ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay qaadaan tallaabo lagu joojinayo “xasuuqa” Gaza.

“Inta uu xasuuqa ka socdo Dhulka Falastiin iyo naceybka Israa’iil ee lagu burburinayo Falastiin, kama daali doono inaan cambaareyno falalkaasi una sheegno caalamka.” ayuu yiri Madaxweyne Miguel Diaz-Canel.

Madaxweynaha Jaziiradda Kariibiyaanka ayaa ka mid ahaa Hogaamiyayaasha sida weyn uga soo horjeeda Duulaanka Israel ee bilihii la soo dhaafay ka waday Qaza, waxa uuna si joogta ah u muujiyay taageerada uu u hayo Falastiin.

In ka badan 32,700 Falastiin, oo u badan haweenka iyo carruurta, ayaa lagu dilay duqeynta Israel ee Gaza, taasi oo ay u dheertahay burburka ballaaran, barakaca, iyo macaluul.

Maxkamada caalamiga ah ee cadaalada ee ICJ ayey hada hortaal dacwada xasuuqa Israel ka wado Gaza. Go’aan ku meel gaar ah oo ay soo saartay bishii Janaayo ayaa lagu amray xukuumada Tel Aviv inay joojiso falalka xasuuqa ah ayna qaado tillaabooyin lagu dammaanad qaadayo in gargaarka bini’aadantinimo la gaarsiiyo dadka rayidka ah.

Horseed Media