Madaxweynaha Kyrgyzstan Jeenbekov ayaa is casilay

Published: October 15, 2020
Sooronbai Jeenbekov Madaxweynaha is casiley

Madaxweynaha Kyrgyzstan Sooronbai Jeenbekov ayaa xilka baneeyay kadib toban maalmood oo rabshado ay socdeen oo ka dhashey doorashadii muranka dhalisay ee dalkaasi ka dhacday.

Jeenbekov wuxuu sheegay inuu doortay inuu is casilo si looga fogaado isku dhac dhexmara ciidamada amaanka iyo banaanbaxayaasha oo dalbaday inuu is casilo.

Wuxuu ku booriyey labada dhinac inaysan ku dhicin daandaansi.

Kuma dhegenaan karo awoodda. “Ma doonayo taariikhda Kyrgyzstan in aan noqdo madaxweyne dhiig daadiya oo toogta muwaadiniintiisa,” ayuu ku yiri hadal uu soo saaray.

Waa madaxweynihii saddexaad ee dalka iska casila kadib kacdoonkii shacabka tan iyo sanadkii 2005.

“Aniga ahaan, nabadda Kyrgyzstan, wadajirka dalka, midnimada iyo nabadda dadka ayaa ka muhiimsan wax kasta,” Jeenbekov ayaa ku yiri hadal la xiriira iscasilaadiisa.

Sooronbai Jeenbekov

Doorashada aan ansax ahayn

Ka dib doorashadii baarlamaanka ee muranka dhalisay ee 4tii Oktoobar, xaaladda dalka ka jirtey waxay ahayd mid aan caddeyn oo qasan. Doorashada kadib, mucaaradka ayaa si kulul u dhaleeceeyay natiijada, kadib markii Jeenbekov si rasmi ah loogu dhawaaqey guuleystaha.

Taageerayaasha mucaaradka ayaa isugu soo baxay wadooyinka, waxayna la wareegeen dhismayaasha dowlada waxayna ugu baaqeen guddiga doorashada iyo laamaha caddaaladdu inay laalaan doorashada, sida markii dambe ay sameeyeen guddiga doorashada.

Jeenbekov ayaa usbuucii la soo dhaafay ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay inuu is casilo, laakiin markii dambe xafiiskiisa wuxuu cadeeyay inuusan qorsheyneynin inuu sidaa sameeyo ka hor inta aan la qaban doorashooyinka cusub ee baarlamaanka isla markaana loo cayimay taariikhda doorashada madaxweynaha.

Japarov Ra’iisul Wasaaraha cusub

Arbacadii, madaxweynaha wuxuu xaqiijiyay in siyaasiga caanka ah ee Sadyr Japarov, oo ka dalbaday madaxweynaha inuu is casilo, in loo magacaabay ra’iisul wasaare cusub.

Iscasilaada madaxweynaha waa waxa ay shacabka ka codsanayaan. Waxaan u tagayaa madaxweynaha maanta waana xalin doonaa arintaan, ayuu yiri Japarov kadib markii baarlamaanka uu u ansixiyay raiisel wasaaraha cusub.

Abdirizak Shino – Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *